English   Somali 
News
Workshops
Learn Online
Project Goals
Project Team
Links
Partners
Contact us
Photos

---------------

RELATED SITES
Danish Ministry of Foreign Affairs

European Commission
 
LEARN ONLINE

LearnOnline Index

Barashada Saxaafadda Online-ka


Waxbarashada Online-ka waa arrin muhiim ah marka loo eego sida ay u kaabeyso waxbarashada weji ka wejiga.

Sababta ugu weyn ee waxbarashada Online-ka muhiimka u noqotay waxaa ku jira isla shaqeynta iyo wax isweydaarsiga dhexmaraya macallinka iyo ardayga ama la tababaraha.


Inkastoo dalal badan oo ay saameeyeen xaaladaha ammaandarro sida Soomaaliya ay sidoo kale ka jirto xaalado la, aan ama yaraan qalab casri ah dhinaca Internetkana xiriirka (connection-ka) uu socodkiisu aad u hooseeyo haddana waxaad ka heli kartaa qalabka Internet-ka ee loo adeegsado waxbarashada Online-ka.

Waxbarashadaa oo kuu sahasha in aad qaadato koorsooyin badan oo xirfadaada saxaafadeed kor u qaadaya sidoo kalena aad ku kasban karto shahaaddo lagugu qiimeeyo.

Waxbarashada Online-ka waxay ku gaarsiineysaa in aad mar walba la socoto heerkaaga waxbarasho, wuxuuna kuu saamxayaa in aad isqiimeyn karto laf ahaantaada, wixii aad kororsatay iyo heerkii aad hore u taagneyd ka hor inta aadan isqorin koorsooyinka.

Isqiimeyntaas waxaad ku gaareysaa leyliyo iyo shaqooyin aad ka qabaneyso casharada oo macallinkaagu kuu dirayo markasta oo aad ku guda jirto kooras gaar  ah inta aadan u gudbin mid kale ama dhanka kale su, aalo ay wataan casharadu.

Ma aha Soomaaliya oo keliya dalalka uu ka socdo barnaamijka waxbarashada online-ka siiba kan dhinaca saxaafadda eeloo yaqaano waxbarashada I-learn-ka ee dalal kala duwan sida Bosniya Bulgaria, Somaliland yo kuwo kale ayey arday badan siiba suxufiyiintu wax ku bartaan.

Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya loo qorsheeyo in laga hirgaliyo iyadoo dal walba bog website ah oo
afkiisa ku qoran loogu gudbiyo aqoonta, farriimaha, warbixinada howlaha saxaafadda ee Somaaliya haddii ay tahay Xarumo cusub oo warbaahineed oo la furay,  tababarro socda, wargelino loo hayo suxufiyiinta ,  haddii ay jiraan koorsooyin cusub,waxyaabo cusub haddii ay ku soo kordheen bogagga erey bixinta iyo arrimo kale oo muhiim u ah saxafiyiinta.

Sanadka 2006da ayaa ah astaanta xilliga waxbarashada suxufiyiinta ee Online-ka ee loo yaqaanno I-learning si buuxda uga ambaqaadayo Somaaliya iyadoo loo diyaariyey si ay tababaradaa u bixiyaan suxufiyiin Soomaaliyeed oo ay tababartay qeybta tababarada ee BBC-da oo magaalada Hargeysa labo tababar oo kala gaar ah ugu qabatay labo koox oo Suxufiyiin ah oo ka kala socday Muqdisho iyo Hargeysa.

Ciise Faarax Maxamed oo ka mid suxufiyiinta Muqdisho oo ka mid ahaa suxufiyiintii tababarka
iLearn-ka ku qaadatay Hargeysa ayaa waxbarashadaa Online-ka ku tilmaamay mid faa, ido badan oo xiiso leh.

   

 
LOGIN TO iLEARN
Login: 
Password: 
Remember these details for next time:


Latest Training Programmes launched


This website was produced by the BBC World Service Trust and represents exclusively its own views. These views have not been adopted or in any way approved by the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission and should not be relied upon as a statement of the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission or their services. The Danish Ministry of Foreign Affairs and the European Commission do not guarantee the accuracy of the data included in this website, nor do they accept responsibility for any use made thereof.