English   Somali 
News
Workshops
Learn Online
Project Goals
Project Team
Links
Partners
Contact us
Photos

---------------

RELATED SITES
Danish Ministry of Foreign Affairs

European Commission
 
PARTNERS

Partners Index

Mashruuca tababarada saxaafadda online ee iLearn waxa uu wadey ilaa labadii sano ee ugu dabeeye dedaal ballaadhan oo uu ugu hawl jirey inuu xidhiidh iyo iskaashi xagga tababarrad online-ka ah la sameeyo Jaamicadaha iyo heyadaha saxaafadda, si ay gacan ugu geystaan socodsiin iyo joogtayna tababrarada saxaafadda onlineka ah, xata marka uu dhammaado amma soo gabgaboobo wejigani haatan socda ee mashruuca tababarka saxaafaddu, si uu sii jiro tababrka iLearn. Dedaalkani waxa lala kaashana jaamicadaha Somalida iyo jaamicadda AVU, si loogu xidhiidyo iLearn barnaamijyada saxaafadda ee AVU, taasi oo ay gacan ka geysanayso UNDP

JAAMICADDA HARGEYSA  http://www.universityofhargeisa.net

Bishii March ee sanadkani ayaa mashruucu la galay heshiis jaamicadda Hargeisa, heshiiskaasi oo ku saabsan iskaashi dhinaca tababarrada iyo koorsyada saxaafadda ee online-ka. Waxayna ka caawinaysa suxufiyiinta iyo ardayda jaamicaddy inay ka faa'iidaystaan tababarrada onlineka lalana kaashanayo UNDPda iyo Jaamicadda AVU (Africa Virtual University) barnaamijyadooda koorasyada saxaafadda, isla markaasina ay isticmaali karaan ardaydu adeegga Internetka ee jaamicadda. Jaamicadda Hargeysa waxay haatan leedahay ilaa lix kulliyadood oo furan. Waxa kale oo ay leedahay barnaamija saxaafadda oo araday badan ku diiwnagahsantay, barnaamijkaasi oo dhinaca kale lala kaashata AVU , laguna xidhiidhin doono saxaafadda onlie-ka BBC-da ee iLearn. In ka badan 500 oo arday ayaa haatan wax ka barta kulliyadaha kala geddisan ee jaamicadda.

JAAMICADDA CAMUUD  http://www.amoud-university.borama.ac.so

Barnaamijka tababrada saxaafadda Online-ka ee iLearn waxa kale oo la yeeshay xidhiidh iskaashi jaamicadda Camuud ee Boorama, waxanu la saxixday heshiis ku saabsan barnaamijka iLearn. Dhinaca kalena waxa jira dedaal jaamicaddu la waddo AVU iyo UNDP oo ku saabsan koorasyo saxaafadeed iyo iLearn.Jaamicaddan waa tii ugu horraysey ee ka asaasanta gobolka wixii ka danbeeyey dagaalkii sokeeye ee Somalia, waxayna leedahay kulliyada xagga waxbarashada iyo maaraynta, iyo koolajyada culuunta beeraha iyo degaanka, ganacsiga, caafimaadka iyo daawooyinka. Waxa kale oo ku yaal xarumo casri oo lagu barto culuunta kombuyuutarrada iyo Internetka, ayna adeegsadaan ardayda jaamicaddu

JAAMICADDA BOSSASO  http://www.puntlanduniversity.com

Bishii September ee aan soo dhaafnay ayaa waxa u bilaabmay barnaamijka tababarrada saxaafadda ee iLearn iyo Jaamicadda Bossaso wada xaajood ku saabsan sidii ay iskaashi dhinaca saxaafadda online-ka ah. Waxana lagu guulaystay in iyana heshiis lala saxiixdo jaamicadda Boosaaso. Bilihii Sibtambar iyo Diisambar waxa suurto galay in lagu qabto jaamicadda Bossaso tababar ku saabsanaa saxaafadda online-ka ee iLearn oo ay ka qalinjebiyeen ilaa 12 suxufi oo ka kala yimid gobollada Puntland. Jaamicadda Bosaaso oo lagu magacaabo Jaamicadda Bariga Afika, waxa ala asaasay sanadkii 2000 oo laga bilaabay kulliyada daraasadda shareecada islaamka, maaraynta guud iyo culuunta kombuyuutarka. Waxay leedahay xarumo aad u qalabaysan oo ay yaallaan kombuutoarro iyo adeegga Internetka oo ay isticmaalaan ardaydu.

NAADIGA SAXAAFADDA EE MUQDISHU 

Waxa naadigaasi laga diiwaangelinayaa suxufiyiinta qaadata tabarrada saxaafadda onlineka ee iLearn, isla markaasina waxa lala qorsheeye tababarro isdabajoog ah oo lagu qabto Naadiga Muqdisho. Naadiga Suxufiyiintu waxa uu ka mid yahay xarumaha suxufiyiinta ee mashruucu ku caawiyey qalabka kombuyuutarrada, Internetka iyo tababarrada.

SOLJA

Magaalada Hargeisa, mashruuca tababarada saxaafaddu waxa uu la lahaa iskaashi ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. waxanu qalabeeyey xarunta ururkaasi ee Hargeisa, adeeggaasi oo loogu talo galay inay ka faaidaystaan suxufiyiinta tababarada saxaafadda iyo kuwa iLearn ee online-ka.

   

 
LOGIN TO iLEARN
Login: 
Password: 
Remember these details for next time:


Latest Training Programmes launched


This website was produced by the BBC World Service Trust and represents exclusively its own views. These views have not been adopted or in any way approved by the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission and should not be relied upon as a statement of the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission or their services. The Danish Ministry of Foreign Affairs and the European Commission do not guarantee the accuracy of the data included in this website, nor do they accept responsibility for any use made thereof.