English   Somali 
News
Workshops
Learn Online
Project Goals
Project Team
Links
Partners
Contact us
Photos

---------------

RELATED SITES
Danish Ministry of Foreign Affairs

European Commission
 
PROJECT GOALS

Ujeeddooyinka Asaasiga Ah

Sannaddii 2002, mashruuca tababarada saxaafadda ee BBC-du waxa uu dhammaystiray barnaamij saxaafadeed soconayey 21 bilood, lagana hirgeliyey Somaliland, Somalia, iyo Puntland. Waxanu ahaa noocii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo halkaas, waxanu ka danbeeyey laba tababar oo tijaabo ahaa oo BBC-du samaysay 1988, aanu maalgeliyey ururka midowga Yurub (EU)
 
Waxanu barnaamijkaasi soo-dhaweyn iyo sumcad weyn ka helay hey’adihii iyo dadkii ka faaidaysanayey, iyo deeq-bixiyayaasha intaba. Waxana la rumaysan yahay inuu weji cusub u furay, wax weynna ka taray horumarinta saxaafad run ah oo sugan oo ka hirgasha qaybo badan iyo degaanno.

Wejigan cusub ee barnaamijka tababarrada saxaafaddu waxa uu ka danbeeyey tijaabadaas hore ee asaasiga ahayd, sii loo sii wado dedaalkaas wax-ku-oolka ah ee saxaafadda. Laakiin wejigan labaad ee barnaamijku ma ahayn ku-celis kii hore oo kala ah. Waxa uu qaatay itijaah iyo weji cusub.

Halkii awal uu u badnaa saxaafadda asaasiga ah, kani waxa uu ku biiriyey heerar sare oo cusub, ayna ka mid yihiin maaraynta iyo tifatirka saxaafadda, iyo weliba tababarrada iyo tababarayaasha. Waxa kale oo uu wax ka taray dhismaha iyo kobcinta tayada, agabka, iyo kor u qaadidda xirfadda iyo xirfadlayaasha saxaafadda.

Dhinaca kale, waxa uu abuuray xidhiidh ay yeeshaan suxufiyiinta dalka iyo ururrada caalamiga ah ee saxaafaddu, si loo dhiso, loona xoojiyo ururrada gudaha ee saxaafadda.
 
Waxa kale oo uu gacan ka geystay abaabulka iyo abuuridda jariidad ay soo wada saaraan suxufiyiinta Soomaalidu – lana yidhaa Codka Suxufiga. Waxa kale oo gacan laga siiyey suxufiyiinta gudaha, soo-saaridda barnaamijyo wacyi-gelineed oo idaaci ah.

Mashruuca tababrrada BBC-du  wuxu aad u daneeyey siyaasadda cusub ee EU-da ee la xidhiidha wada-shaqayn buuxda oo lala yeesho ururrada gudaha, lana kobciyo. Waxanu ka baaraandegay sidii barnaamijyada tababarradu ay ugu faaiidayn lahaayeen ururradaas iyo tababaridda suxufiyiinta intaba, loona sii wadi lahaa barnaamijyada noocan ah.
 
Taasina waxa suurtogelinaya xoojinta tababarrada xirfadeed, tababaridda maareeyayaasha iyo tifatirayaasha, soo-saaridda tababarayaal, iyo kobcinta ururrada xirfadda iyo xidhiidhinta urradaas iyo kuwa caalamiga ah.
 
Waxa kale oo mashruucani xoogga saarayaa inuu ka shaqeeyo laba arrimood oo kale: 1)La-socodka tayada iyo wax-soosaarka warbaahinta amma saxaafadda. 2) iyo samaynta iyo horumarinta saxaafadda online-ka oo loo furo suxufiyiinta.
 
Labadaas weji waxay gacan ka geysan doonaan sii  kobcinta saxaafad tayo leh oo sii shaqaysa.
 
 

   

 
LOGIN TO iLEARN
Login: 
Password: 
Remember these details for next time:


Latest Training Programmes launched


This website was produced by the BBC World Service Trust and represents exclusively its own views. These views have not been adopted or in any way approved by the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission and should not be relied upon as a statement of the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission or their services. The Danish Ministry of Foreign Affairs and the European Commission do not guarantee the accuracy of the data included in this website, nor do they accept responsibility for any use made thereof.