English   Somali 
News
Workshops
Learn Online
Project Goals
Project Team
Visiting Trainers
Links
Partners
Contact us
Photos

---------------

RELATED SITES
Danish Ministry of Foreign Affairs

European Commission
 
PROJECT TEAM

ProjectTeam Index (Shaqaalaha)

Emma Gilliam, Madax Mashruuca                                                    Waxan u soo shaqeeyey BBCda muddo ka badan intii aan u malaynayey. Waa meel fiican, waxanan ku bartay dad badan oo qiimo leh. Haatan waxan ahay madaxa mashruuca tababarada saxaafadda ee suxufiyiinta Soomaalida, waxan joogi doonaa ilaa bisha April ee sanadka 2006 Ka dibna waxan ku noqon doonaa Ingiriiska, halkaasi oo aan dib uga bilaabi doono shaqadaydii oo ah tifatiraha waaxda wararka ee idaacadda BBCdu ay ku leedahay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska. Markii iigu horraysay ee aan ku biiro BBCda, waxan ahaa weriye ka shaqeeya degmooyinka xeebaha Ingiriiska. Waxan wax badan ka ogaadey sida waxsoosaarkii kalluumaysiga ee Ingiriisku uu hoos ugu dhacay. waxan dib ugu noqday magaaladii aan ku dhashay oo aan uga shaqeeye BBC-da magaalooyinka Guernsey iyo Jersey. Marka la isku celceliyo, waxan ka soo shaqeeyey toddoba idaacadood oo ay BBCdu leedaha, 1 talifishan, iyo waaxda tababarrada caalamiga ah ee BBCda. Waxan wax ka soo fuliyey mashaariicdii Ruushka, Hindiya, iyo Qaana. Waxan la soo shaqeeyey suxufiyiin u diyaargaroobaysey doorashooyin madaxweyne, kuwa ka shaqaynayey barnaamij loogu talo galay ka hortagga cudura HIV/AIDS, barnaamijyo gaar ah oo loogu talo galay xabsiyada iyo maxaabista, iyo kuwa jaaliayadaha. dalka Ingiriiska gudihiisa, waxan soo qabatay waxyaabo badan oo kale geddisan ayna ka mid yihiin weriye, soo jeediye, soo saare, tifatire, iyo xataa maamulka baskii BBCda ee Yorkshire-ta  Koonfureed. waxan isku deyey wax badan oo ay ka mid yihiin weriyannimada Telefishanka, kamaramaan, iyo in aan ka soo warramo doon-kalluun dusheed, badyarta English Janal, mar duufaani ka dhacaysey.


Yonis Ali Nur, Tababare sare iyo tifatiraha iLearn                                                                                       Waxan ka bilaabay raadyow Muqdisho, 1973kii, oo aan ka noqoday weriye markii ugu horaayse. Ka dibna waxan waxbarasho sanad ah oo ku saabsan saxaafadda idaaciga ah ka helay Idaacacdda Deutsche Welle ee jarmalka. markii aan soo dhamaystayna, waxan ku noqday raadyow muqdisho oo aan ka ahaa soo sare sare, isla markaan aan qori jirey faallooyina. Ka dibna waxan madax ka noqday wakaaladdii wararka ee SONNA. BBCda waxan ku biiray 1983, haatanna waxan ka ahay soo saare sare. Mudadii badnayd ee aan BBCda ka tirsan, waxan haddana soo maray qaybo kala geddisan iyo heyado saxaafadeed oo aan la soo shaqeeye. Wax ka mid ah heyadda Health Unlimted iyo Unesco barnaamijyadooda wacyi kordhinta, magaalada Nairobi. Sanadahan danbe waxan u badnaa mashaariicda tababarada suxufiyiinta Soomaalida. Waxan k ahay tababare sare iyo tifatiraha saxaafadda online-ka ee 'iLearn'


Yusuf Hassan, Project Coordinator
Yusuf Hassan waxa uu ku soo biiray BBCda 1996, waxanu noqda weriya u jooga Muqdisho Somaliaga iyo laanta carabiga. 1977, waxa uu ka soo warramay shirkii dhib u heshiissinta Soomaalida ee Qaahira, 1999na, fadhigii guu ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey. waxa kale oo uu ka soo warramay xiisadihii bariga dhexe ee u dhexeeyey Israel iyo Falastiin, sanadkii 2000. 1988 ilaa hadda, Yusuf waxa uu shaqeynayey barnaamijyadii tabarada saxaafadda ee BBCda, waxanu deggan yahay Nairobi

   

 
LOGIN TO iLEARN
Login: 
Password: 
Remember these details for next time:


Latest Training Programmes launched


This website was produced by the BBC World Service Trust and represents exclusively its own views. These views have not been adopted or in any way approved by the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission and should not be relied upon as a statement of the Danish Ministry of Foreign Affairs or the European Commission or their services. The Danish Ministry of Foreign Affairs and the European Commission do not guarantee the accuracy of the data included in this website, nor do they accept responsibility for any use made thereof.